Muxuu dagaalka musuqa lagu la dirirayo ee DF uga dhigan yahay Somalia?

Musuq maasuqu waa mid kamid ah dhibaatooyinka ragaadiyey horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya, waana dhibaato ay wadaagaan badi waddamada Afrika iyo guud ahaan kuwa soo koraya.

Soomaaliya marka la joogo, dhaqanka musuqmaasuqu waxa uu noqday mid dadka dhexdiisa caadi ka ah. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, siyaasiyiga ama masuulka xil ka qabta mid kamid ah hay’adaha dowladdu waxa uu ku dadaali jirey sidii uu uga fara-qabsan lahaa xilka uu hayo, hanti bandanna u lunsan lahaa.

Waxa kale oo xusid mudan inaan hore loo arki jirin dowlad masuuliyiinteeda u xirta kiis musuqmaasuq ama maxkamad qaadda dacwad musuqmaasuq la xiriirta. Haddase wax badan ayaa isbeddeley!

Ka dib doorashadii Madaxweyne Farmaajo iyo magcaabistii Raysalwasaare Khayre, waxa bilawday dadaal ay dowladdu kula dirirayso musuqmaasuqa. Marar badan ayaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhuba ballan qaadeen in dowladdoodu aanay u dulqaadan doonin dhaqanka musuqmaasuqa ee bulshada dhexdeeda ku baahay.

Shalay ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir qaadday dacwado la xiriira musuqmaasuq oo uu u soo gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Maxkamaddu waxay ugu danbayntii soo bandhigtay xukunnadii ay riddey, ka dib baaristii iyo dhegaysigii la sameeyey.

Dadka la xukumay waxa kamid ah Maamulihii hore ee Kastamka Muqdisho mudane Axmed Cabdullaahi iyo hawlwadeenno kale oo la shaqaynayey. Samaw iyo kooxda la shaqaynayseyba waxa lagu xukumay min saddex sanno oo xabsi ah. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa saddex sanno iyo saddex bilood oo xarig ah ku xukuntay Agaasime Waaxeedkii Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Mudane Daahir Maxamed Nuur, iyo Cabdishakuur Aaadan Maxamuud oo xiriiriye ka ahaa mashruuc ay waddey Wasaaradda Maaliyaddu.

Waa markii ugu horreysey oo ay maxkamaddu riddo xukunno noocan oo kale ah oo la xiriira musuqmaasuq, taasina waxay ku dhalatay dagaalka lagula jiro musuqa ee ay dowladdu hormuudka ka tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inaan ka shacab ahaa ku taageernaa la dagaalanka musuqmaasuqa oo aynaan difaacin masuuliyiinta musuqmaasuqa lagu soo eedeeyo ee abtirsiin ahaan inoo dhaw. Sidoo kale, dowladdu waxay mudan tahay inaan ku bogaadinno tallaabooyinka ay qaadday ee ay musuqa ku xakamaynayso.

Gebo-gebadii, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay sii waddo dagaalka ay musuqmaasuqa kula jirto oo aan loo aabba-yeelin masuuliyiinta ay ku caddaadaan falal danbiyeedyada musuqa la xiriira, heer kasta ha joogaane.

W/Q: Mohamed Osman
Falanqeeye Siyaasadeed
Nairobi-Kenya