Muqdisho (Caasimada Online) – 26-kii June saacadu markii ay aheyd 8-dii Fiidnimo sanadkii hore ayaa Ikraan Tahliil Faarax la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dhow Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, markaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyada oo sii galeyso gaari laga leeyahay heyโadda NISA oo uu waday darawal heyโadda ka tirsan.
Ikraan Tahliil ayaa xilligaas madax ka aheyd qeybta dambi baarista Internet-ka ayaa waxaa soo shaac baxday in la dilay, waxaana waqtigaas saxaafadda la hadlay hooyadeed.
War kasoo baxay heyโadda NISA ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay dishau kooxda Al-Shabaab kadib markii ay si qorsheysan u afduubatay, balse kooxda Al-Shabaab oo iyadana qoraal soo saartay ayaa iska fogeysay dilka gabadhaas taasoo dhalisay jahwareer ku aadan kiiska Ikraan.
Wareysi uu dhawaan bixiyey madixii NISA ee gobolka Banaadir Yaasiin Faray ayuu mar kale ku celiyey in dilka gabadhaas ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, balse agaasimihii hore ee heyโadaas Fahad Yaasiin oo isna wareysi bixiyey ayaa dilka gabadhaas ku eedeeyey xubno ka tirsan heโadda oo uu ku jiro taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad.
Dilka Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kulantay dowladdii hore oo sabab u noqday in xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo Kiiska Ikraan uu wali ka furan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.
Kiiskaas ayaa hadda waxaa laga joogaa hal sano, welina waalidiinta Ikraan waxay dalbayaan in gabadhooda ay cadaalad hesho.
Xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo raโisulwasaare Xamza ayaa looga fadhiyaa inay jiho sax u marto kiiska Ikraan Tahliil oo noqday kiis la isku tuur tuuray.