Kim Jong-un oo maskaxda Donald Trump ku tilmaamay sifo fool xun

Muqdisho (Caasimada Online)-Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi.

War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaari doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi.

Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayay dagaal afka ah oo sii kululaanayay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysay gantaallo aan baaxaddooda la sii saadaalinin. Waxayna tijaabisay nukliyeerkii Lixaad, inkastoo cambaarayn caalami ah ay ku mutaysatay arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo horray khudbadda Trump ugu sheegay “eey ciyay” oo kale ayaa ka digay in dalkiisu uu badwayna Baasifik ku tijaabin doono ban haydarojiin ah, arrintaas oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka.

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Waqooyi ayaa wasiirka arrimaha dibadda ka soo xigatay in “bamkan uu noqon doono kii ugu awoodda badnaa ee noociisa ah.

Laakiin wuxuu intaa ku daray “in aysan ogayn ficilka ay qaadi doonaan maadaama amarka uu bixin doono hogaamiye Kim Jong-un.”

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com