28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Aniga ilaa hadda mahayo baarlamaan la’iga yeeray ama wax la iga weydiiyey”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Axmed Cali Daahir oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlaayay war dhawaan ay sheegen Mas’uuliyiinta qaar oo ahaa in looga yeeray Baarlamaanka BF, ayaa waxa uu sheegay in shaqsi ahaan uusan Ogeyn halka ay ugu yeereen mudanayaasha BF.

Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in ilaa hadda aanu helin fariin uga imaaday Baarlamaanka oo looga codsanaayo inuu hor imaado Xildhibaanada Baarlamaanka, waxa uuna Tilmaamay inuusan kasoo horjeedin in loo yeero waxna laga weydiiyo shaqooyinkiisa.

Xeer ilaaliyaha oo ka duulayo hadal ay dhawaan sheegtay Sii haayaha Wasaarada Haweenka Khajiido diiriye ayaa waxa uu yiri “Koley aniga qaanuuniyan ilaa hadda mahayo baarlamaan la’iiga yeeray ama wax la iga weydiinayo, taas jawaabteeda ma hayo, welio cid ii yeertay ama baarlamaan mahayo, baarlamaanka sharafta leh wuu ii yeeri karaa, wixii shaqadeyda ah ayeeyna iigu wici karaan”

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha waxa uu iska fogeeyay go’aankii ahaa in Wasiirada xilkooda waayay aysan ka bixi karin dalka iyaga oo aan xilkaasi wareejin waxa uuna sheegay in go’aankaasi uusan si gaar ah uga soo bixin Xafiiskiisa.

Waxa uu Tilmaamay in amarkaasi uu si wadajir ah uga soo baxay, xafiiska Hanti dhawrka qaranka iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, isagoona sababta ku sheegay sharciga oo la dhaqan geliyo.

Dhanka kale, hadalka Xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii hayaha wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka shaacisay in Xeer ilaaliyaha ay ka gudbiyeen Mooshin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News