27.9 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

PUNTLAND oo Xasan ku cadaadineysa hal arrin oo muhiim u ah (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay aqalka dalka looga arrimiyo, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ay warqad qoraal ah kasoo gaartay dhanka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in warqadaasi uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, taasi oo uu uga hadlaayay magacaabista Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia, waxa uuna Gaas warqadaasi kaga codsaday madaxweynha in Ra’isul wasaaraha Cusub laga dhigo Siyaasi kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Sidoo kale, xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweyne gaas uu qeybta dambe ee warqada ku xusay inuu jari doono gabi ahaan xiriirada Siyaasadeed ee kala dhexeeya DF Somalia, islamarkaana uu Siyaasiyiinta Puntland kasoo jeedo kala bixi doono Magaalada Muqdisho, waa haddii aan la tixgalin kaalinta Puntland ay ku leedahay Dwlada Federaalka ah ee Somalia.

Warqadaani ayaa waxaa sidoo kale Jawaab ka bixin Madaxweynaha DF Somalia, waxa ayna arrintaani imaaneysaa iyadoo Madaxweyne Xasan uu ku mashquulsan yahay xulashada Ra’isulwasaaraha Cusub.

Dhanka kale, waxaa Madaxweyne Xasan horyaalo Liis dheer oo ay ku jiraan Siyaasiyiin kasoo Jeeda Beesha Daarod, inkastoo aan la saadalin karin shaqsiga uu noqon doono Ra’isul wasaaraha Cusub.

Fariinta Madaxweyne Gaas waxa ay sidoo kale kusoo aadeysaa xili uusan wanaagsaneyn xiriirka Siyaasadeed ee ka dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News