Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaa Nuur Maxamed “Diinaari” ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee maamulka loo sameeyn doono gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Waxa uu sheegay in uu taageero buuxda ka heysto Soomaalida ku nool dalka Koonfur Sudan, kadib markii uu si wanaagsan ula shaqeeyay xilligii uu danjiraha ka ahaa dalkaasi, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono horumarka gobolladaasi.
Diinaari ayaa mar kale ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka loo sameeyn doono gobollada Galgaduud iyo Galgaduud.isagoona intaasi ku daray in loo baahan yahay in laga shaqeeyo hormarinta dadka daga Goboladaasi.
Waxa socda qorshihii ugu dambeeyay ee Maamul loogu sameynayo Gobolda dhexe ee Dalka Gaar ahaan gobolada Galgaduud iyo Mudug waxana ku sugan Goboladaasi Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

