Koofi oo war kasoo saaray go’aanka kiiskiisa iyo cidda ka dambeysa xukunkii la riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir oo bari yeeshay isaga iyo agaasimihii ka dambeeyay ee Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda Muxidiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhammaantood lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Koofi ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda gobolka, wuxuuna sheegay in maxkamadda ay garab istaagtay xaqa, uuna ku faraxsan yahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen kuwaa lasoo dhoo-dhoobay oo la doonayay in lagu sumcad dilo isaga, loogana hor istaago damaciisa ku aadan doorashada soo socda ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Maxamed Aadan Koofi ayaa u mahadceliyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay diideen in la’isku dulmiyo magaca dowladnimada.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

GO’AANKA MAXKAMADDA G/BANAADIR AY IIGA BARI YEESHAY EEDEYMIHII LA SOO ABAABULEY

Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley.

Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo.

Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey.

Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey.

Mahad badan

Dr. Maxamed Aadan Koofi