James Swan oo soo gaaray magaalada Muqdisho iyo UNSOM oo war soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay inuu noqdo ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Sida lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM, Mr. Swan ayaa waxa uu imaatinkiisu diirada saari doona sidii dowladda Soomaaliya iyo bulshadeeda loogu gacan siin lahaa arrimaha hortabinta u leh, oo ay ugu horreyso nabadda iyo amniga.

“Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska UNSOM.

Waxa uu intaasi kusii daray qoraalka UNSOM “Ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.”

Waa markii labaad ee Swan uu shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

14-kii bishan May ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista Swan.

Ninkan oo ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, ayaa sidoo kale aqoon fiican u leh arrimaha Soomaalida, maadaama uu muddo badan ka shaqeynayay gudaha dalka, islamarkaana si dhow ula shaqeeyay dowladda federaalka iyo maamullada dalka.