Koonfur Galbeed oo dagaal ku dishay xubno Shabaab ka tirsanaa kadibna gubtay…

Baydhabo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Goofgadudud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay ku dishay in ka badan 10 ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhigga deegankaasi.

Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay inay gubtay gaadiid dagaal oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab ay iska gaashadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta ee Koonfur Galbeed.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan abaabul culus oo ka dhan Al-Shabaab ay waddo Koonfur Galbeed oo kaashaneysa dowladda iyo dadka deegaanka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyay in ay diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo laga duulayo baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in istiraatiijiyad dagaal oo sarreysa ay dajiyeen, isla-markaaana gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool looga saarayo Al-Shabaab bil gudaheeda, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Bil ayey Koonfur Galbeed kaga dhammaanayaan Khawaarijta, marka la fiiro qaabka aan u diyaar garownay iyo istaraatiijiyadda hadda la suubiyay ee dagaal, sida hal mar uu howlgalka uga bilaabanaayo saddexda gobolba” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabushaa weeraro ka dhaca gudaha dalka.