Mustafe Cagjar oo soo saaray awaamiir culus oo qeyb ka ah dagaal ay ku jirto Ethiopia

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo saaray awaamir culus oo ka dhanka ah masuuliyiinta ku kaca musuq-maasuqa.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in shaqada loo hayo bulshada la musuq-maasuq, isaga oo ku dhawaaqeyna ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

“Qofka wax musuqaya ama isdaba marinaya awaamirtii la faray ayuu ka leexanayaa, Qandaraas masoo dhajinayo oo wuxuu rabaa inuu si hoos ahaaneed u siiyo mid uu rabo inuu la cuno,” ayuu yiri.

“Markaa waamirtii la is faray oo uu masuulka ka leexdaa waa musuq-maasuq, waana in lala xisaabtamaa, oo laga qaada tallaabo adag.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wakhtigii hore masuulka musuq-maasuq lagu helo xilka un laga qaadi jiray, balse hadda wuxuu amar ku bixiyay in xilka qaadista loogu daro xarig, oo ay waajibkooda ka gutaan laamaha amaanka.

Go’aanadan uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya qaadatay qorshe guud oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan faray dhamaan madaxda dowlad deegaanada Itoobiya inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa, oo uu sheegay inuu wax u dhimayo horumarka Itoobiya.