Koonfur Galbeed oo ka hor-timid go’aankii guddiga doorashada federaalka qaadayna tallaabo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay in la qabanayo doorashada kursi uu shalay hakiyay guddoonka Guddiga heer federaal ee FEIT.

Guddiga FEIT ayaa qoraal kasoo baxay shalay lagu sheegay in kursigaas ay cabashooyin is-daba-joog ah uga gudbiyeen Malaaqa Guud iyo Samadoonada Beesha Jarroon oo ah beesha iska leh kursiga HOP#204.

Haddaba, Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed oo soo xiganaya qoraal uu soo saaray Madaxa Guddiga Doorashada FEIT u qaabilsan Koonfur Galbeed, Yuusuf Maxamed Kheyre ayaa waxa uu sheegay in habraacyadii loogu tala-galay loo maray kursiga HOP#204, islamarkaana la fasaxay doorashadiisa.

“Xubnaha FEIT ku qoran KGS hubita, kormeerida iyo fulinta heshiisyada 17 September iyo habraacyada doorashada waxay cadeynayaan in loo marey si uu dhigayo habraacyada doorashada Golaha Shacabka, sidaas awgeedna yahay fasax in la qabto doorashada kursigaasi waqtiga loo madley,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxa FEIT ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu wargeliyay dhamaan reerka kursiga iska leh Guddiga xulista Ergada iyo Musharaxiinta ku tartamaya kursiga HOP#204 inay u diyaar garooban qabashada doorashada kursigaas.

Kursigaan ayaa lagu wada in doorashadiisa la qabto maalinta barri ah, oo ku eeg maalintii loo qabtay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa uga sii dareysa muranka ka taagan kursiga HOP#204, kaasi oo lasoo warinayo in shaqsi gaar ah uu la rabo madaxweynaha Koonfur Galbeed, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.

Si kastaba, Waxaa la yaab ah in Xubin kamid ah FEIT ay go’aan ka gaari karto kursi uu hakiyay guddoonka guddiga heer federaal, mana aha markii u horeysay ee Guddiga Koonfur Galbeed uu muran-galiyo meel-marina amarada guddoonka guddiga FEIT.