Safiirka Mareykanka oo shaaciyey tallaabo ay berri qaadayaan haddii aan la dhameystirin doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay in qaar kamid ah hoggaamiyaasha Soomaaliya ay berri wajihi doonaan cunaqabatayn haddii aan la dhameystirin doorashada Golaha Shacabka

Safiirka cusub ee la magacaabay, oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay in dalkiisa uu qaadi doono tallaabo dheeraad ah, haddii aan la ixtiraamin heshiiskii ay gaareen Golaah Wada-tashiga qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo lagu go’aamiyey in doorashada golaha shacabka lagu dhameystiro ugu dambeyn 15-ka Bishan oo u beegan maalinta Berri ah

“Haddii waqtiga kama dambaysta ah ee lagu heshiiyey ee ah 15- Bishan aan la ixtiraamin, markaa waxaan mar kale liiska ku dari doonaa magacyo cusub oo kamid ah dadka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka,” ayuu yiri danjire André.

Safiirka ayaa sheegay inay soo gaartay xog ku saabsan in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay si deg deg ah u dardar geliyeen doorashada Golaha Shacabka markii ay soo baxday cunqabataynta dhanka socdaalka ah ee Mareykanka.

Si kasta ha ahaatee, Diblomaasiga Mareykanka ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyayaasha la saaray cunaqabataynta dhanka safarka, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay dareemi doonaan markii ay dalbadaan dal ku galka Mareykanka ama markii laga joojiyo Fiisooyinkii horey ugu dalbanaa.

Hadalka safiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay ku deg-degeen inay doorashada Golaha Shacabka kusoo dhameystirayaan ugu dambeyn 15-ka bishan March oo ay saacado ka dhiman tahay.

Illaa hadda waxaa la doortay 225 xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana dhiman 50 kursi si loo dhameystsiro 275 xubnood ee Aqalka Hoose.

Doorashada illaa hadda lasoo gaba-gebeeyey ayaa ah tan Reer Waqooyiga iyo Banaadiriga, ayada oo maamulka Koonfur Galbeed la filay inuu isla berri soo geba-gebeeyo, ayada oo uu qabanayo kuraastii ugu dambeysay.