Rooble oo Beesha caalamka kala shiray xaalad halis ah oo ka taagan dalka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kala shiray Beesha Caalamka xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta, taasi oo mareysa meel halis ah.

Rooble oo shir guddoominayay shirka Gurmadka Abaaraha ayaa Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Wakiilada Caalamka inay si deg deg ah ugu gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu horeyntii ka warbixiyay xaaladda abaarta ee jirta ayaa sheegay in ay dalka ka jirto abaartii ugu darneyd ee ka dhacdo kadib abaartii macluusha aheyd ee dalk ka dhacday 2012.

“Saddex xilli roobaad oo is-xiga yaa baaqday, taas oo ay keentay in xoolihii iyo beerihii ay ba’aan. Waxa ay abaartu saameysa ku dhawaad 6.9 milyan oo qof, in ka badan 9.5 milyan oo xoola ah, in ka badan 2.6 milyan oo qof wajahaya Biyo la’aan aad u daran, ku dhawaan Nus milyan (500,000) ayaa maalmihii la soo dhaafay abaar darted deeganadii ugu baro kacay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka warbixinayay xaaladda guud ee abraaha.

Waxa kale oo uu sheegay in haddii ay sidaan xalaadda dalka ku sii socotay halis loogu jiro macluul.

Shirka Gurmadka Abaaraha ee qeybta ahaayeen maanta wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxa uu imanaya xilli ay dalku ka jirto abaar aad u daran, taas oo saameysay dadka iyo duunyadaba.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Rooble ayaa dhowr jeer ku baaqday in gacan laga geysto gurmadka abaaraha, wuxuuna shaqsi ahaan dadaal badan ku bixiyay sidii kaalmo loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaartu.