Sawirro: Madaxweyne Xasan oo laba arrin kala hadlay dowladda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry E. André.

Kulanka ayaa looga hadlay laba qodob oo kala ah; doorka dowladda Mareykanka ee dedejinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya iyo la tacaalidda caqabdaha ku hor gudban.

Mdaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo door weyn ku leh dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa kulanka kadib bogaadiyay doorka Mareykanka ee arrimaha doorashada.

“Waxaan kulan la qaatay safiirka dowladda Mareykanka Dannjire Larry E. André, waxaan isla soo qaadnay arrimaha doorashooyinka iyo muhiimada taageerada Mareykanka ee soo kabashada Soomaaliya,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale kulan ayaa looga wadahadlay arrimaha istraatiijiyadda labada dal iyo muhiimmadda iskaashi ballaaran oo labada dowladood ka dhaxeeyay sanadihii u dambeeyey, sida uu qoraalkiisa ku shaaciyey Madaxweye Xasan Sheekh oo dowladda Mareykanka u mahadceliyay.

“Waxaan uga mahad celiyay garab istaagga dowladda Mareykanku u muujisay dalkeenna xilliyadii adkaa,” ayuu raaciyay qoraalka.

Kaalinta Mareykanka ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa kor u kacday muddooyikii ugu dambeeyay, waxuuna Mareykanku hoggaaminayaa gulufka ay reer Galbeedku ugu jiraan hubinta qabsoomidda doorasho nabdoon oo Soomaaliya ka dhacda.