Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska Kuraas uu ku jiro midka uu u tartamayo Shariif Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyay lix kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kuraastaan ayaa kamid ah 13 Kursi ee guud ahaan kuraasta taalla Koonfur Galbeed uga harsan, waxaana lixdaan kursi doorashadooda ay dhaceeysaa todobaadkaan Beri bilaabanaya Gudihiisa.

Kuraasta la shaaciyey ayaa waxaa kamid ah Kursiga uu ku fadhiyey wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu doonayo inuu u tartamo kursigaan, lamana ogo haddii uu cadaadis kala kulmi doono Lafta Gareen sida ku dhacday Jawaari iyo xubno kale.

Kuraastaan waxaa ku fadhiya Xildhibaannada kala ah:

HOP#261: Cabdulqaadir Xasan Sheekh Aadan.

HOP#167: Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

HOP#168: Xasan Macalin Xuseen.

HOP#099: Deeqa Xuseen Xasan.

HOP#077: Isgoowe Deeqow Isaaq.

HOP#186: Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale.