Puntland oo soo bandhigtay magacyada musharrixiinta 16 Kursi ee taalo Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray liiska musharrixiinta u tartamaysa16ka kursi ee taalla Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa doorashadooda la kala qabanayaa 5-ta ilaa 6-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee Beri ah iyo Maalinta xigta ee Axadda, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Hopp#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Yare) balse waxaa ku tartami doona Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud & Sahra Maxamed Maxamuud.

2: Hopp#157 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaase ku tartamaya Maxamed Axmed Aadan & Iidle Cali Axmed.

3: Hopp#228 Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kursigaan ku tartami doonaa Cabdulaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdullaahi Maxamed

4: Hopp#234 waxaa ku fadhisa Deeqo Saciid Xasan oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doonaMaraa Cabdiyo Bashiir Xaaji Cali &  Aamino Cabduweli Maxamed.

5: Hopp#076 waxaa ku fadhiya  Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana markale ku tartami doona Muuse Axmed Ismaaciil iyo Faadumo Ibraahim Ismaaciil.

6: Hopp#227 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Muno Cali Mire Cartan.

7: Hopp#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane) oo meesha laga saaray, waxaana ku taratamaya Saadaam Maxamuud Cabdi & Muno Maxamuud Dalmar.

8: Hopp#083 ayaa waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Bille Nuur, balse ay ku tartami doonaan Maxamed Bashiir Cali & Aamino Maxamed Ciise.

9: Hopp#169 waxaa ku fadhiya Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartamaya Cali Mahdi Maxamed Cali & Xafsa Cali Axmed.

10: Hopp#036  ayaa waxaa ku fadhiya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Maxamed Aadan Diini & Faa’iso Jaamac Muuse.

11:  Hopp#149 oo uu ku fadhiyo Axmed Ismaaciil Maxamed ayaa waxaa ku tartami doona Feysal Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Cabdixakiin Maxamed.

12: Hopp#222 oo uu hadda ku fadhiyo Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa waxaa ku tartami doona Ceynaanshe Yuusuf Xuseen oo maalmo ka hor iska casilay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland & Rowdo Yaasiin Yuuusuf.

13: Hopp#027 waxaa ku fadhiya Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Saciid Cali Muuse iyo Cabduqaadir Jaamac Xasan.

14: Hopp#220 oo uuku fadhiyo Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi, balse ay ku tartami doonaan Cali Xaaji Daahir Saleymaan & Axmed Burhaan Cumar.

15:  Hopp#190 waxaa ku fadhiya Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse, waxaase ku tartami doona Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax Maxamuud.

16: Hopp#142 waxaa ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo tartanka laga reebay, waxana ku tartami doona Ismaaciil Shire Jaamac Cali & Saciid Maxamuud Maxamed.

Kuraasta Maanta Puntland ay soo saartay magacyada musharrixiinta ku tartameysa qaarkood ayaa waxaa laga reebay Xildhibaano dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay, kuwaas oo taageerayay Villa Somalia.