K/Galbeed oo sheegtay in dowladda ‘ay xiisadda u hurineyso hal arrin darteed’

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waxay sheegeen in dowladda federaalka ay fara-gelin ku hayso arrimaha siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sidoo kale waxay sheegeen xildhibaanadu in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsanayo in qalalaase looga kiciyo Koonfur Galbeed, ayada oo arrintaan hore uga dhawaajiyeen siyaasiyiinta mucaaridka oo iyagu sheegay in ciidamadii loo adeegsaday dagaalkii Baydhabo ay qeyb ka ahaayeen kuwa federaalka.

“Waxaan dowladda federalka ugu baaqeyna inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasada, islamarkaana ciidamada kasoo baxay furimahooda dagaalka dib loogu celiyo,” ayey yiraahdeen.

Dhinaca kale, Xildhibaanadaan ayaa ka dhawaajiyay in barlamaanka Koonfur Galbeed uusan sameyn muddo kordhin, hase yeeshe uu kaliya sameeyay is-waafajinta muddo xileedka madaxtooyada iyo baarlamaanka, taasi oo hadda uu ka qiil dhiganayo madaxweyne Lafta-gareen.

Hadalka xildhibaannada ayaa imanaya xili uu maanta Lafta-gareen magaalada Muqdisho uga qeyb-galay shirka madasha wada-tashiga qaran, kaasi oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.