Madaxweyne Muuse Biixi ‘oo dharbaaxo siyaasadeed’ ku dhuftay mucaaradka

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dhacay Liisaankii xisbinimo ee labada xisbi mucaarid iyo xisbul xaakimka, taasi oo ah guul usoo hoyatay madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Muuse Buuxi Cabdi.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee xisbiyada Waddani, Ucid iyo Kulmiye ay maanta ku egtahay, wixii ka dambeeyana laga rabo in saddexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

“Waxaanu halkan si rasmi ah idinku war-galinaynaa, in mudadii dhaqan-galka saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ay ku egtahay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fulisaan, ilaalisaana dhamaan waajibaadka ka dhalanaya dhamaadka mudada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa la rumeysan yahay in uu gadaal ka riixayo madaxweyne Muuse Biixi oo sida la sheegay gacanta ku haya xubnaha guddigaan, kaasi oo khilaafka doorashooyinka kala dhaxeeyay xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo Ucid.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Biixi uu xisbigiisa Kulmiye ugu soo daray qoraalka si uu sharciyad uga dhigo arrinkaan, si ugu yaraan uu meesha uga baxo guuxa siyaasadeed iyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta uu sameeystay.

Mucaaridka ayaa hore ugu dhawaaqay inay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah muddo kororsiga Muuse Biixi, taasi oo ay ugu dambeysay isku-daygii fashilmay ee 13-kii bishii hore, markaas oo uu ku eeka muddo xileedka sharciga ah ee madaxweynaha.