Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Koonfur Galbeed iyo dibadbax maanta ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah Lafta-gareen iyo sawirradiisa ayaa waxa iskugu yimaadeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dalbaday madaxweynaha in uu qabto doorasho, xili ay dhawaan Baydhabo ka dhaceen rabshado salka ku haya damaca Lafta-gareen.

Dibad-baxa ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aadayaa ayada oo maanta caasimadda uu ka furmay shirka afaraad ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, qeybna ka ahaayeen madaxda dolwad-gobaleedyada, ra’iisul wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Lafta-gareen oo ku sugan Muqdisho ayaa wajahaya dhaq-dhaqaaqyo culus oo looga soo horjeedo muddo kororsigiisa halka sano, ayada oo xildhibaanada maamulkiisa ay dalbadeen in uusan ka qeyb-galin shirkaan.

Madaxda ku shirsan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadlaan xiisada ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay Baydhabo, kaasi oo dowladda federaalka ay dhawaan kasoo saartay baaq nabadeed.

Dowladda federaalka ayaa hore uga dalbatay dhinacyada isku haya maamulkaas inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, ayada oo looga digay daadinta dhiiga shacabka.

Siyaasiyiinta mucaaridka iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wada qorshe culeys lagu saarayo Lafta-gareen inta uu ku sugan yahay Muqdisho, waxaana lagu wadaa in Lafta-gareen lagu qabso in uu mucaaridka u furo Baydhabo oo xiligaan uu kaligiis isku soo koobay.