Cali Dheere oo war kasoo saaray heshiiska odayaasha Saleebaan iyo xarigooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay xariga odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan, kuwaasi oo dhawaan heshiis lasoo saxiixday kooxda.

Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay ciidamada ula dhaqmeen odayaashaasi, oo markii ay xirayeen inta indhaha ka xireen gaadiid Cabdi Bile ah dusha ka saareen ayna u diideen in xitaa kursi ku fariisiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in odayaashaasi ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay hore ugu eedeyeen waxgaradka iyo cuqaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan oo ayagu ka horyimid heshiiska ay odayaashan lasoo galeen Al-Shabaab.

“Odayaasha markii ay ku laabteen degaanadooda runtii waxay kala kulmeen duulaan cadowga oo ula dhaqmeen si aad u foolxun. Waxaan rabna in aan uga tacsiyadeyno odayaasha dhibaatada gaartay ayaga oo tolkooda iyo ehelkooda nabad u raadinaya,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Nimankaan odayaasha ah ee reer Xaaji Saleebaan ma aheyn saraakiil Shabaab ah ama odayaal Shabaab ee waxay ku magacaaban yihiin Nabadoon waxay soo dooneen nabad ay tolkood u raadiyeen, haddii ay fuliyeen mansabkii ay ku magacownaayeen in lagu dhibaateeyo waa uga tacsiyadeynayna.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay heshiiska ay odayaasha la xiray la saxiixdeen kooxda, kaasi oo uu sheegay in meesha looga saarayay colaad ay dowladda ka dhax abuurtay beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay sidiisa u fulin doonto heshiiskii ay dhawaan la saxiixdeen odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan, kuwaasi oo shalay lagu xiray magaalada Cadaado.

Odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo, sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo maanta warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal, ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi maanta wareysiga ka qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.