Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho ay goordhow koox hubeysan ka geysatay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo aan xiriiro la sameynay.

Toogashada oo loo geystay mid ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay baarlamaanka 11 ee dalka ayaa ka dhacday degmada Warta Nabadda, sida ay xaqoojiyeen goobjoogayaashu.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Macalin, waxaana ragga dilka geystay ay horey uga sii qaateen qoray uu watay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda dilka geystay ay goobta isga baxsatay, ayada oo mar dambe meesha ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale weeraro qaraxyo ah.

Ciidamada ammaanka ayaa dhinaca kale ayaguna wada holwgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga guud ee dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.