Koox hubeysan oo maanta dil ka gaystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil goor dhow ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay agagaarka qeybta Cabdalle Shideeye, iyadoona lagu kala cararay meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah.

Dhaq-dhaqaaqa suuga, gaar ahaan meesha uu dilku ka dhacay ayaa hakad-galay, iyadoona la xiray qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada amnigu ay wadaan howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey toogashadaasi.

Inta badan gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto askarta dowladda Soomaaliya ee ku sugan suuqaasi oo ah kan ugu ballaaran Soomaaliya.