Muxuu ahaa ujeedka kulankii Rooble iyo Nicolas Berlange?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlange.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo khuseeya dalka, waxaana ugu waaweyn sugidda amniga doorashooyinka, hormarinta ay midowga yurub ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo waxyaabo kale.

Ra’isul wasaaraha dhawaan la doortay ee aan wali soo dhisin golahiisa wasiirada ayaa qirtay in Midowga Yurub ay saaxiib dhaw u yahiin Soomaaliya isla markaana ay ka shaqeynayaan waxyaabo muhiim ah.

Tan iyo markii la magacaabay Maxamed Xuseen Rooble wuxuu wakhti ku bixiyay la kulanka beesha Caalamka iyadoo laga doonayo inuu soo dhiso xukuumad wadanka ka gudbisa marxaladda uu hadda ku jiro.

Sida la jadwaleeyay doorashooyinka waxey bilaaban doonaan bishaan gudaheeda, iyadoo aan wali la magacaabin xukuumadii dar-dargalin laheyd hawlaha bilaaban doona.