Maxey yahiin arrimaha laga cabs qabo ee sababi kara in HirShabelle kala qeybsanto?

Jowhar (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabelle wuxuu dhexda uga jiraa muran ku aadan doorashooyinka la iclaamiyay in loo dareeri doono, waxaana muuqanaya arrimo kala qeybinaya maamulkaan ka kooban labada gobol, kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku dhameystay siyaasad iyo horumar la’aan.

Arrinta ugu weyn ee la isku heysto waa xilka ugu sarreeya maamulka, waxaana isku heysta labada beelood ee kala daga gobolada Shabelleha dhexe iyo Hiiraan.

Madaxtooyada Soomaaliya waxey wadaa qorshe ay xilka ugu raadineysi beelaha daga Shabeelada Dhexe, waana arinta keentay in odayaasha dhaqanka Hiiraan ay ku hanjabaan iney go’i doonaan.

Heshiiska lagu dhisay maamulka Hirshabelle sanadkii 2016 wuxuu ahaa in reer Hiiraan la siiyo madaxweyne halka dadka Shabeelada Dhexe la siiyo caasimadda, balse reer Hiiraan waxey xilka ugu sarreeya ku badasheen Caasimadda.

Dadka falanqeeya siyaasadda waxey leeyahiin Villa Soomaaliya waxey dooneysaa iney jabiso sharcigii wax lagu dhisay.

Waxaa la aaminsanyahay in Madaxtooyada ay riixeyso Cali Guudlaawe oo ah madaxweyne ku xigeenka, waxaa socda dadaalo wali soconaya oo aan la ogeyn.

Muddo xileedka dowladda hadda jirta waa gabo-gabo mana muuqato wax la isku raacsan yahay oo ka socda Hirshabelle, qof walba wuxuu isha ku heyn doonaa halka ay wax ku dhamaadaan.