Al-Shabaab oo weerartay 3 magaalo oo ciidanka Liyuu Boolis ay ku sugnaayeen

Xuddur (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday saddex magaalo oo dhacda galbeedka Soomaaliya, kuwaas oo ku dhow xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto wadanka Itoobiya.

Magaalooyinka ay Al-Shabaab weerareen oo kala ah, Yeed, Aato iyo Washaaqo, waxayna ka tirsan yihiin gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalooyinka ay weerareen Al-Shabaab waxaa kula dagaalamay ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, kuwaas oo fariisimo ku leh deegaanadaas.

Afhayeenka howlgallada maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay kala wareegeen gacan ku heynta magaalooyinka Yeed iyo Aato, isla markaana ay dagaalka ku dileen askar badan, kuna furteen hub iyo saanad ciidan.

Inkastoo ay magaalooyinkaan yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed, hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waana magaalooyin istaraatiiji ah oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dadka ku nool deegaanadaas waxay Caasimada Online u sheegeen in dagaal culus ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab, balse waxaan ilaa hadda la ogaan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa go’day goor dambe oo Arbacadii maanta ah, waxayna Al-Shabaab dagaalkaan ku ekeeyeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Liyuu Booliska ee ‘ilaalada xuduudaha iyo badqabka waddooyinka’ kuwaas oo hoos taga dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.