Beelaha Cali Saleebaan oo soo saaray go’aano culus oo ka kooban 6 qodob (Aqriso)

Boosaaso (Caasimada Online) – Golaha ‘Isutaga Isimada Beelaha Cali Saleebaan ee Majeerteen’ oo maalmahaan uu shir uga socday magaalada Boosaaso ayaa soo saaray bayaan ka kooban 6 qodob, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladda magaalada Boosaaso oo xiisad dhowr jeer gacan ka hadal sababtay ay ka taagan tahay.

Golahaan ayaa sidoo kale qoraalkaan ku caddeeyey in Beeldaaje Maxamed Ismaaciil uusan fagaare dambe ku meteli doonin Beelaha Cali Saleebaan, iyagoo iclaamiyey shir weyne degdeg ah oo ay isugu imaanayaan waxgaradka Beelaha Cali Saleebaan.

Isimada oo bayaankooda ku bilaabay tacsida dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Boosaaso ayaa soo saaray qodobadaan:

1 – Golahu wuxuu Cambaaraayey dagaalada ku soo noqnoqday magaalada Boosaaso, wuxuuna ka digayaa dadka ku howlan fidnadaas, waxaana mudan in la ixtiraamo wada noolashaha bulshada deeganka.

2 – Goluhu wuxuu aad uga murugaysan yahay, kana tacsiyeynayaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhashay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11-kii July 2022. Waxaana intii dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf Ehelkoodana Samir iyo iimaan, inta Dhaawaca ahna Allah Siiyo Caafimaad Dhaqsa ah.

3 – Goluhu wuxuu u caddaynayaa Golayaasha Dowladda, Isimada Dhaqanka, Waxgaradka iyo Shacab-weynaha in Beeldaaje Maxamed Ismaaciil uu faraha kula jiro arrimo aanay beelwaynta Cali Saleebaan raali ka ahayn, una idmanin, Natiijadeeduna tahay barakicin, burburin iyo kala dhantaalinta shacabka Puntland iyo kuwa Gobalka Bari.

“Sidaas darteed markey arkeen wakhtina siiyeen wax isbeldelna ka waayeen goluhu waxay isla garteen in Maxamed Ismaaciil aanu ku metali karin, kagana qayb noqa karin shir dambe, isagoo wata magaca beelaha Cali Saleebaan.”

4 – Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa dadaalada ay dowladdu ku wajahday xaaladda abaaraha, wuxuuna ku baaqayaa in lays kaashado shacab iyo dowladda-ba.

5 – Goluhu wuxuu shacab-weynaha Gobolka Bari, gaar ahaan reer Boosaaso ugu baaqayaan in ay u midoobaan amniga, horumarka, nabad-gelyada iyo sumcada deegaanka.

6 – Goluhu wuxuu iclaamiyey shirwayne si degdeg ah ay isugu imaanayaan waxgaradka Beelaha Cali Saleebaan.

Isimada ku saxiixan qoraalkaan oo lix gaaraya ayaa kala ah: 1-Boqor Cabdirashiid Boqor Ismaaciil 2-Suldaan Mursal Muuse Koonte 3-Suldaan Maxamuud Xasan Cumar 4-Suldaan CabdulIaahi Saalax Jeenicad 5-Suldaan Maxamuud Xaaji CabdulIaahi 6-Iyo Suldaan Cumar Maxamed Jaamac.