Odayaasha Somaliland oo arrin xasaasi ku eedeeyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhaqanka beelaha Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya inay joojisay hanaankii bulshada reer Somaliland ku helayeen Baasaboorka Soomaaliya.

Waxay ka dalbadeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan arrintaan oo caqabad hor leh ku noqotay bulshada ku nool Somaliland, oo markii hore si fudud ku heli jiray Baasaboorka, sida ay sheegeen.

“Laanta socdaalka iyo jinsiyada waxaa ka jiray xafiis u fududeeya deegaanada aan kasoo jeedno Baasaboorka, waxaa warkiisa hayna in xafiiskii la dacweeyay oo khal-khal gashay shaqadii loo qabanayay dadkeena ee loogu fududeynayay Baasaboorka.”

Sidoo kale waxay sheegeen in tallaabadaan uu qaaday Agaasimaha Laanta Socdaalka ay saameysay dad howshooda socotay oo qaarkood xaalad caafimaad oo deg deg ah dalka dibadiisa ugu baxayeen.

“Waxaa leenahay si deg deg ah uga qaad xayiraada, loona fasaxo dadkii hore gacanta ugu hayay, waa in deg deg loo furo xafiiskaas iyo shaqadiisa. Agaasime faraha ka qaad xafiiskaas.”

Ugu dambeyntiina waxay dalbadeen in danaha shaqsiga ah laga daayo adeegyada loo hayo bulshada, ayaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday in uu hoos u eego masuuliyiinta gacanta ku haysa adeegyada dadweynaha.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, ayaa waxaa gudaha deegaanadeeda ka furna xafiis si qarsoodi ah looga qaato Baasaboorka Soomaaliya, wuxuuna markii hore ahaa xafiiska u fudud ee Baasaboor laga qaato marka loo fiiriyo kuwa gobolada kale ee dalka.