Kooxdii DASTUURKA oo lacag dalbatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Komishanka Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegidda Dhaqan-galinta Dasturuka Caasha Geelle Diiriye ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaailya in ay maal-galiso, oo ay lacag ku bixiso hannaanka dib loogu eegayo dastuurka.

Kulan ay saamileeyda ku yeesheen Muqdisho kana soo qaybgalene xubno ka tirsan komishanka, mas’uuliyiin xukuumadeed iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, ayay Caasha ugu baaqday xukuumadda in ay hubiso sidii wakhigii loogu talagalay loogu dhammeeyn lahaa dib-u-eegidda dastuurka oo ay ku bixiso taageero maaliyadeed.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa sidoo kale sheegay in ay xukuumaddu ilaalin doonto ballan-qaadkeedii ahaa in ay go’aanka kama dambaysta ah ee dib-u-eegidda dastuurka u dayso dadka Soomaaliyeed, taa soo ah dadaal lagu doonayo hubinta in hannaanku noqdo mid ay Soomaali hoggaanka u hayso isla markaana leedahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com