XASAN SHEEKH OO U JAWAABAY QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey warbixin lagu sheegay in uu ku lug leeyahay lunsashada malaayiin dollar oo dowladda u taalliilay dibadda, taas oo uu qoray guddiga Qarammada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereterea ee lagu magacaabo Monitoring group.  Halkan ka arag warbiixnta. 

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo aan ka soo xigannay wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga ayaa lagu beeniyay warbixinta uu qoray guddiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in warbixintu ay tahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Guddiga ayaa dhawaan soo saaray warbixin uu ku sheegay in uu hayo macluumaad muujinaya in goor sii horreysey ay madaxweynaha Soomaaliya, Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aden oo ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo qaabbilsan arrimaha sharciyadu ay lunsadeen dhaqaale ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiyo oo hore u beenisay eedeyntaa ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogi doonto xubno ka tirsan guddiga qoray warbixinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com