Rag hubaysan ayaa maanta dhac ugeestay mid kamid ah xawaaladaha ka howlgala Magaalada Muqdisho.
kooxaha wax dhacay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen labo ruux waxaana ay gudaha ugaleen ragaasi xarunta Xawaalada Amaana ee laanta Buulo Xuubeey.
Dablaydaan hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay ku amreen shaqaalaha xawaalada inay furaan qasnada ay ku jirto lacagta hayeeshe waxaa la sheegay in ninki furaha haaye uu ka la cararay taasina aysan ugu suura gelin inay dhaca geestaan burcada.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in kooxaha hubaysan ay shirkada ka qaateen taleefoonadii gacanta ee ay lahaayeen Shaqaalaha ka shaqeynaye Xawaalada Amaana laanteeda Buulo xuubeey ee Magaalada Muqdisho.
Majirto masuul ka tirsan maamulka Degmada Wadajir oo arintani iskudayga dhaca Xawaalada Amaana ka hadlay.
Dhacan ayaa waxaa uu kamid yahay Dhac marar badan kooxo hubaysan ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.