Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, kooxo bastoolad ku hubeysan ayaa maanta qof shacab ah ku dishay Xaafada Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney arkeen Wiil Bastoolad ku hubeysan oo tooganaya qof Shacab ah oo ku sugnaa Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan lamana oga Sababta keentay.

Qofka la dilay ayaan la ogeyn waxa uu qaban jiray balse dadka deegaanka waxay sheegeyn in uu ka mid ahaa dadka deegaanka ee halkaas ku nool balse aan la ogeyn waxa uu ka shaqeyn jiray.

Dilka ka dib ayaa waxaa howlgal ku dhaqaaqay Ciidamada amaanka degmada Hodan,kuwaasi oo u suurta gashay iney gacanta ku soo dhigaan kooxohihii dilka geystay.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Hodan C/fataax  ayaa Warbaahinta  u sheegay in la soo qabtay ragii dilka maanta ka geestay degmadaasi kadib Howlgal ay sameeyeen Ciidanka amaanka hadana ay baaritaano ku wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com