Akhriso: 3 qodob oo asal u noqon kara adkeynta amniga Muqdisho

Waa umuur adag balse waxaa hubaal ah in haddii aanu dhaqanku is bedelin aan wax natiijo ah oo duwan la sugaynin, haddaba waxaan is leeyahay armay wax qabsoomaan haddii intan la sameeyo.

1 – Halla sameeyo ciidamo si gaar ah u tababaran oo ku qaybsan amaanka caasimadda (Mogadishu Special Forces) ama Mogadishu Security Task Force (MSTF), si gaar ah tababarkooda Turkiga hallaga codsado.

Ciidamadaasi waa inay buuxiyaan shuruudahan.

a – Inuu qofku Muqdisho deggan yahay.

b – Inuu ugu yaraan dugsi sare ka baxay.

c – Inuusan balwad lahayn (Qodobkani waa muhim).

d – Inuu qofku yahay mid dux iyo iimaan leh (man of principle).

e – In saadkooda la saaro isla dadka Muqdisho oo aan mushaarkooda la isku hal halleeynin.

f – Inuu yahay qof ka damqanaya silaca iyo nidaam darrada taagan.

2 – Inuu maamulka gobolka Banaadir la yimaaddo qorshe cusub oo amaanka lagu xaqiijinayo sida:

a – In la diiwaan geliyo dhamaan simicards-ka laga isticmaalo Muqdisho iyo dalka.

b – In la helo wacaalka iyo diiwaanka lacagaha ay gudaha u kala diraan xawaaladuhu.

c – In la helo agab lagu dhegeysto telefoonnada loo calaameeyo inuu tuhun ku jiro. (Person of interest).

e – In degmo kasta loo sameeyo ID Card u gaar ah oo loo samaynayo dadka ku nool iyo qof kasta oo kusoo biira.

d – In degmooyinka loo kala saaro waaxo iyo tabeellooyin kaddibna mid kasta loo sameeyo guddoomiye hoosaad lagala xisaabtamo shimbirtii wax ku noqota.

e – In waax kasta laga helo ciidamo dharcad ah, kuwo caadi ah iyo kuwo madani ah oo wada shaqeeya.

f – In shacabka loo sameeyo adeegyo marqaati dhowr ah oo ay talooyinka kusoo gudbin karaan.

3 – Dowladda dhexe waxaa looga baahan yahay inay isku duba riddo farsamo ahaan sidii ay tillaabooyinkani u hirgeli lahaayeen iyadoo ku dhaqaaqaysa.

a – Qorshe u dejinta tababarka, talada iyo dakhliga ku baxaya barnaamijkan.

b – Inay ka shaqeeyso inay kaamarooyin CCTV ah ku xirto dhamaanba jidadka Muqdisho, gaar ahaan isgooysyada iyo meelaha muhimka ah.

c – In iyadoo caalamka la kaashanaysa ay dalbato qalabka ugu wax ku oolsan ee ay ku howlgeli karaan ciidamo gaar ah oo howshan qabta.

d – Inay samayso xarun dhexe oo lagu dhegeysto telefoonnada dadka muhimka u ah in daba gal lagu sameeyo dhaqdhaqaaqooda iyadoo howshaa loo xil saarayo dad mas’uuliyad iyo ALLE ka cabsi leh oo aan xadgudbaynin.

e – Inay samayso hab-raac aan biyo days lahayn oo ay ku wada shaqayn karaan ciidamadan iyo kuwa kale sida samaynta talis dhexe oo howlgal (central command).

Haddii aan intan ugu yaraan inta ugu muhiimsan la samaynin waxba qabsoomi maayaane yaan umadda la hodin ee amaankeeda iyada faraha hallaga saaro.

W/Q: Maxamed Xaaji