Sawirro cusub: Sidee ayuu Villa Somalia uga socdaa shirka DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda shirka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ee Jamhuuriyadda iyo Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay wajigii Seddexaad, waxaana soo baxaaya rajooyin laga muujinaayo in laga soo saaro war-murtiyeed mideysan oo labada dhinac ah.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ayaa soo bandhigey qodobada muhiim ah in wax laga qabto oo inta badan ku saleysan amniga dalka.

Madaxda ayaa waxaa miiska u saaran qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, oo mushkilad ay ka taagan tahay.

Arrinta la xiriirta xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo mudooyinkii dambe uu aad u yaraa, maadaama Dowladda dhexe ay ku eedeysay Dowlad Goboleedyada in ay si qaldan u isticmaalayeen nidaamka Federaalka.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo Hogaamiyayaasha maamulada ayaa isaga soo dhawaaday halkii ay horay u kala joogen, waxaana lagu wadaa in shirka laga soo saaro qodobo leysku raaci doono oo mideyn doona dowlada iyo maamulada.