Amiirka Qatar oo shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo ay diyaariyeen xulufada Sacuudiga

Doha (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo wareysi siiyey Barnaamijka 60 minutes ee ka baxa Telefishinka Maraykanka ayaa u qeylo dhaamiyey Maraykanka inuu dhex dhexaadiyo iyaga iyo Xulafada Sacuudiga.

Amiirka Qatar ayaa wareysigan ku sheegay in xayiraada iyo cunaqabateynta ay kusoo rogeen dalalka uu hogaamiyo Sacuudiga ay ku ahayd kadis iyo naxdin uusan fileyn, isagoona sheegay in tilaabadaasi lagu soo beegay 2 todobaad kadib shirkii ka dhacay Riyaad ee Maraykanka iyo dalalka Islaamka oo looga hadlayey la dagaalanka argagaxisada.

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa iska fogeeyey in dowladiisa ay wax taageero ah siiso Argagaxisada, isagoona su’aalo laga weydiiyey xafiiska kooxda Taliban ku leedahay magaalada Doxa.

“…Talibanka anaga ma casumin ee Maraykanka ayaa naga codsaday inay xafiis ka sameystaan dalkeena, si ay wadahadal ulla yeeshaan anagana waan ka ogolaanay…” ayuu yiri Amiirka Qatar oo iska fogeenayey eedeynta ku aadan in maamulkooda uu maalgeliyo kooxaha xagjirka ah.

“…Ma taageerno Argagaxisada balse waxaa taageernaa in shacabka gobalkan ay helaan xoriyad taasina weeye mida ay diidan yihiin oo ay ka cabsi qabaan…” ayuu yiri.

“…Xulafada Sacuudiga waxay doonayaan waa inay afgembiyaan maamulka Qatar, maahana markii ugu horeysay hada kahor bay isku dayeen inay sidan oo kale u afgembiyaan aabahay 1996dii…” ayuu yiri Sheikh Tamim.

Sheikh Tamim ayaa xilka qabtay 2013 isagoo 33 sano jir ah kadib markii aabihiisa Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani uu xilka ku wareejiyey, Aabihiisa ayaa isaguna xilka afgembi ku qabsaday 1995dii xili odeygii dhalay uu ku maqnaa safar dibada ah, inqilaabkaasi 1995 ayey Sacuudiga si weyn uga soo horjeedeen maadaama ay xiriir fiican la lahaayeen Sheikh Tamim awoogiis xilka laga boobay.

Waxaana la sheegaa in afgembigii fashilay ee 1996dii ay ka danbeysya Boqortooyada Sacuudiga oo dooneysay inay xukunka kusoo celiso hogaamiyihii hore.

Wuxuu Amiirka Qatar balanqaaday inuu dadaal xoogleh gelin doono sidii loo xalin lahaa khilaafka khaliijka isagoo yiri “…Hadii xulafada sacuudiga ay dhankeena 1 mitir oo wanaag ah noo muujiyaan, waxaa balan ah inaan anagan 10.000 mile oo wanaag iyo soodhaweyn ah u muujino…” ayuu yiri hogaamiyaha Qatar oo walaac ka muujinaya cunaqabateynta saaran 5tii bilood ee lasoo dhaafay.

Inkastoo ay aad u doonayaan in xal arrintan loo helo ayuu hadana Amiirka Qatar sheegay inaysan sharaftooda ka tagin doonin oo ay difaacan doonaan madax banaanidooda.