Dowladda Sacuudiga oo xroriyad yaab leh siineysa haweenka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa daboolka ka qaaday inay xoriyad dheeri ah siineyso Dumarka u dhashay dalkeeda ee horay looga mamnuucay daawashada cayaaraha.

Dowlada ayaa sheegtay in wixii hadda ka danbeeya ay dumarka awoodi karaan ka qeybgalka daawashada cayaaraha Garoomada waaweyn ee Sacuudiga.

Qorshaha xoriyada dheeriga ah lagu siinaayo dumarka ayaa waxaa ku howlan Maxamed Bin Salmaan, si sharciyada looga qafiifiyo dumarka.

Qoysaska ayaa awoodi doona in ay gudaha u gallaan Garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam, iyagoo cayaaraha la daawan kara dhalinyarta.

Sidoo kale, Guddiyada dowlada Sacuudiga ugu magacaaban ciyaaraha ayaa sheegay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awoodaan in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.

Docda kale, tani ayaa haweenka u noqon doonta fursad labaad oo usoo hoyatay dumarka Sacuudiga, waxaana xusid mudan in todobaad ka hor loo fasaxay kaxeynta gaadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com