Sawirro: Sidee ayuu u qabsoomay kulankii degdega ahaa ee u dhexeeyay Guddiyada Amniga iyo Difaaca

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiyadda Arrimaha Guddaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa Galabta kulan ku yeeshaya Xarunta Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiyada ayaa ka wada hadlay xaaladaha Amni ee Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ay guddoonka Golaha shacabka ku wareejiyeen Mooshin la xiriira xaaladda amni ee dalka oo sii xumaaneysa.

Guddoomiyaha Guddiga Guddiyada Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa sheegay inay iska xog wareysteen arrimaha amniga, maalmaha soo socdana ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay inay isku raaceen in la qaado talaabo weliba oo lagu xaqiijinkaro amniga iyadoo aan qolo gaara garab lasiin doonin.

Waxa uu sheegay in mar waliba ay u muuqan doonto ka shaqeynta amniga, waxa uuna carab dhabay inaanu jiri doonin cid gaara oo lagu xanuun jinaayo mooshinada is dhex socda.

Sidoo kale, mooshinkan waxaa uu imanayaa iyada oo shalay Golaha wasiirrada Soomaaliya ay xilkii ka qaadeen Taliyayaashii Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya kaddib weerarkii Sabtigii ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.