Rag hubeysan oo toogasho kale ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka waxaa labo ruux oo dhalinyaro ahaa lagu dilay halka loo yaqaano Carwa-Idko oo ka tirsan degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dhalinyarada toogashada lagu dilay, kuwaas oo meydadkooda ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsan ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkan oo ahaa mid qorsheysan.

Shalay ayey aheyd markii dilal qorsheysan oo loo geystay askar iy odayaal dhaqameed ay siyaabo kala duwan uga dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Si kasta muddooyinkii dambe ayaa waxaa ku soo badanayey caasimada falal liddi ku ah amniga, waxaana dhacdooyinkan ay imaanayaan xilli dalka uu jiro marxalad doorasho.