Xog: Qeyb ciidanka xoogga dalka ka mid ah oo hab qabiil qabiil ah u kala saftay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan militeriga Soomaaliya waxaa bur-burtay heykalkii iyo qiimihii qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Saraakiisha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ee Qeybta 21-aad ay saameen weyn ku yeelatay colaad beeleedyada ka socda Galmudug, islamarkaana cabsi soo kala dhax-gashay darteed ay kala firdhadeen.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidanka uu shaki weyn soo kala dhax-galay, taasina ay sababtay in qabiil qabiil isu raadsadaan islamarkaana ay isaga amar qaataan. 

Markii aad tagto gobalada dhexe ayaa laguu sheegayaa in ciidanka ay gaar gaar u dagaan, islamarkaana ayba qaarkood difaaca isaga jiraan si aan loo beegsan maadaama ay gobalka ka jirto colaad badan oo dhanka beelaha. 

Arintaan ayaa waxaa sii fogeysay dil wadareedkii duleedka magaalada Guriceel loogu geestay 6 ka mid Saraakiisha Milateriga Soomaaliya iyadoo markii horana ay jirtay cabsi kale. 

“Ciidanka ayaa u kala jabay, dhowr qeyb oo Habar-gidir ah, qeyb Mareexaan ah, qeyb Dir ah, koox kastana waxay iska ilaalineysaa isla garabyo kale oo ka tirsan 21-aad,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha Milateriga Soomaaliya oo ku sugan Galmudug.

“Sida ay isaga cabsadaan dhaxdooda Al-Shabaab ugama cabsadaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo aan la hadalnay. Mustaqbalka qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u muuqda inuu ku socdo waddo halis ah oo burbur ah.