Kooxo hubeysan oo dad shacab ahaa ku laayey Shabeelaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online ) Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar lagu laayey dad rayid ah uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Dadkan oo la socday gaari rakaab ah ayaa la rasaaseeyey, xilli ay marayeen tuulada Xaanshooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay wararku sheegayaan dhacdadan aya timid, kadib markii Darawalka uu ka biyo diiday inuu istaago, taas oo sababtay in rasaas lagu furo gaarigaasi.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay falkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa 2 Qof oo dumar ah iyo 2 rag ah, kuwaas oo ka mid ah rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyey.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkan ay ahaayeen Burcad dooneysay inay dhacaan dadkaasi.

Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo la xariira dilka loo geystay dadkaasi rayidka ah.

13-kii bishan ayey aheyd markii nawaaxiga degmada Cadale ee isla gobolkan lagu rasaaseeyey gaari ay la socdeen shacab, laguna dilay ku dhawaad 5 qof.

Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com