Muqdisho: Saldhig weyn oo hub lagu garaacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weerar culus ku qaaden saldhigga ciidanka Booliiska degmada.

Saraakiisha gacanta ku heysay Saldhiga ayaa sheegay in Kooxda weerarka geystay ay ku hubeysnaayeen qoryaha fud fudud iyo kuwa garbaha laga tuuro.

Kooxihii weerarka ku qaaday saldhiga ayaa la sheegayaa in halkaasi ay ku waxyeeleyn Ciidamo Boolis ah oo halkaasi ilaalo ka hayay, iyadoona ay Kooxahaasi u suuragashay in halkaasi ay awood ku qabsadaan ku dhawaad Saacad.

Dhanka kale, Saaka ayaa howlgal waxa ay ciidamada Booliiska ka wadaan xaafado ka mid ah degmadaasi, mana jirto weli cid howlgalkaan lagu soo qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com