Kooxo Jabsaday Hoteel uu degnaa Cali Khaliif & Gaari uu lahaa oo la jiitay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegaya in halkaa lagu weeraray Hogaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatuma Cali Khaliif Galeyr.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hogaamiyaha lagu weeraray Hoteelka uu magaalada Buuhoodle ka degnaa kadib markii Kooxo hubeysnaa ay jabsheen albaabka hore ee Hoteelka kadibna ay gudaha u galeen.

Cali Khaliif Galeyr, ayaa xiliga weerarka ku sugnaa Hoteelka waxaana weerarkaasi iska difaacay ilaaladiisa, sida ay baahiyeen Idaacadaha magaalada Muqdisho.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la xaqiijiyay in Hoteelka ay kala baxeen gaari uu lahaa Cali Khaliif Galeyr oo noociisa lagu sheegay leyla Calaawi.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay inay kamid ahaayen ciidamada maamulka, iyadoo sababta weerarka lagu sheegay gadood ka dhashay mushaar la’aan dhowr bil ah.

Sidoo kale, Hoteelka la weeraray ayaa waxaa xiligaa ku sugnaa Guddiga maamulka Khaatumo u qaabilsan wadahadalada lagula jiro maamulka Somaliland.

Ciidamada maamulka ayaan mushaar lasiin muddo ku dhow 8 bil oo xiriir ah, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa in ciidamadu ay wado u noqoto weerarada ceynkaan ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Khaatumo kaa oo ku aadan weerarka lagu qaaday Hoteelka uu degnaa Cali Khaliif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com