Maxkamada sare Kenya oo ugu danbeyntii aqbashay dacwad uu gudbiyay Faarax Macalin

Kenya (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya Maxkamada Sare ee dalkaas ayaa aqbashay Dacwad uu gudbiyay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee dalka Kenya Faarax Macalin.

Faarax Macalin, ayaa ahaa musharixii xildhibaan ee Aadan Barre Ducaale kula tartamay kursiga xildhibaanimada Gaarisa, waxa ayna dacwadiisa salka ku heysaa musuqmaasuq lagu sameeyay codadkii uu ka helay taageerayaashiisa.

Faarax Macalin, oo dacwad ka ah doorashada uu kusoo baxay Aadan Barre Ducaale ayaa Maxkamada Sare ee dalka Kenya horgeeyay dacwad uu ku muujinaayo qaabka ay u dhacday doorashada lagu musuqay.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa iyana ogolaatay inay gasho dacwad uu bishan horaanteedii maxkamada horgeeyay guddoomiye ku-xigeenkii hore dalka Kenya Faarax Macalin.

Faarax Macalin oo ah shaqsiga dacwada gudbiyay ayaa ku dooday in doorashadii 8dii bishii Agoosto ka dhacday Gaarisa ay ahayd mid lagu shubtay, isla markaana taageerayaasha Aadan Barre loo ogolaaday in dhowr jeer ku noq-noqdaan codeynta, isagoo ujeedka ku sheegay soo bixitaanka Aadan Barre Ducaale.

Dacwada Faarax Macalin ayaa waxaa kamid ah in maxkamada sare ay buriso doorashada uu ku guuleystay Aadan Barre, lana amro in dib loogu noqdo doorashadaasi.

Hedwig Ongâ’udi oo ay magacaawday maxkamada sare ayaa ku dhawaaqday inay dhageysanayaan dacwada Faarax Macalin, isla markaana Faarax laga doonayo in uu keeno cadeymo iyo qiraal qoraal ah.

Sidoo kale, Maxkamada sare ayaa amartay in guddiga doorashada ee Kenya ay keenaan jawaab celintooda ku aadan doorashadii Gaarisa ee lagu eedeeyay in guddiga uu horseed ka ahaa in la xado.

Geesta kale, Aadan Barre Ducaale, ayaa u furan inuu iska difaaco dacwada ka taal Maxkamada Sare ama uu aqbalo in dib loogu laabto doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Kenya

Caasimada@live.com