Korontadii laga jartay qaar ka mid ah wasaaradaha DF oo dhaliyey SU’AAL culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobo Wasaaradood oo ka mid ah kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa sida ay warar hoose xaqiijiyeen laga goostay korantii kadib markii lacagta ay bixin waayey.

Inkasta oo qaar ka mid ah wasaaradaha ay shirkadda BECO dib ugu soo daysay korontada kadib markii warkan uu shaac baxay, ayagana ay codsi waqti kordhin ah dalbadeen, haddana qaar ayaa weli la’ korontada.

Ma aha markii ugu horreeysay ee ay sidaan oo kale dhacdo, dhawr jeer oo waxaa biyaha laga goostay qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukumadda.

Arrintan waxa ay fajaciso ku noqotay shaqaalahii Wasaaradahaas iyo bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo is weydiiyey halka ay iska qaban la’dahay sheegashada Xukumadda ee ah in ay dhistay hannaankii maaliyadda dalka iyo xarumaheeda looga goosanayo adeeggii aas aasiga ahaa.

Dhawaan waxa ay xukumadda sheegtay in ay kordhisay miisaaniyadda dalka, haa waa sax, laakiin maxay uga muuqan la’dahay gudeheeda oo ay fadeexadaha ceynkan ah u dhacayaan!? Mise, dhaqaalaha la kobciyey waxa uu ku kooban yahay kaliya in warbaahinta loo sheego.

Haddii Wasaaraduhu, ma aha mid iyo laba -7 dhan halmar laga wada goosto koronta oo ay ku xigi karto biyaha, aaway sheegashooyinkii  xukuumadda ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay dakhliga kordhiyeen, oo ay hagaajiyeen hanaankii maaliyadda?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com