Xog: Qaar wasaaradaha DF Soomaaliya ka mid ah oo korontadii laga goostay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in korontada laga goostay, kaddib markii lagu yeeshay lacago. In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii  kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii.

Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda howlaha guud, Wasaaradda tamarta, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaarado kale oo muhiim ah.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen, kadibna laga goostay.

Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas.

Waxaa kale oo la ogaaday in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono.

Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed.

Dhinaca kale, Shirkadda BECO ayaa sheegtay inay jiraan wasaarado dhowr bil lacag bixin waayey, oo ay ka jareen, iyaga oo intaasi raaciyey inay qaarkood u soo daayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com