Sideed kun oo ka mid ah ciidamada DF Somalia oo mushaarka ay ka jarteen dalalkii bixin jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa maanta golaha shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan $22 Milyan oo degdeg ah oo mushaarka ciidanka Soomaaliya ah kadib markii dalalkii bixin jiray ay jareen.

Cabdiraxmaan Beyle oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Sida aad ogtihiin ciidamo ku dhawaad ilaa 8,000 oo askari ayaa mushaarkooda waxaa bixin jiray dowlado kale, dowladihaasina waa ay joojiyeen lacagahaas ay ciidanka ku bixin jireen, waxa ayna  noqotay annaga inay nagu soo wareegto, waxa ayna noqotay inaan samayno waxa aan sameyn karno, aanana wax uraadino:.

Waxa uu intaas ku daray “Sidaas darteed lacagbaa ku soo biirtay misaaniyadii sanadkaan 2019-ka,  cadadkeeduna waxa uu gaarayaa 17 milyan,  cadeentana waxa ay ku cadahay warqadii aan idiin soo gudbinay ama dheeli tirka 17 milyan ayuu nuxuxkeedu yahay”

Dhinaca kale waxaa uu Beyle sheegay 5.5 milyan oo ah RCF. “Waxaa kaloo jira lacagaha RCF oo aad kawada warheysaan World Bankiga,  qoladan shirka ka imaanaysa  kuwaas oo aan miisaaniyadda noogu jirin oo ilaa 5.5 milyon ah, 5.5milyan waa inay ka muuqdaan maaliyada waraaqadeena , waan ubaahanahay labadas arrimood, kaliya ayaan maanta ajandaheenu ku kooban yahay, waxaan ubaahanahay in ciidankii mushaarkoodii isu taagno, sidaan u bixin laheen adinkoo aad umahadsan sharafweyna aniga iga mudan iyo wasaaradda maaliyada in intaas yare qajacdaa aad noo ansixisaan maantaoo aanan isugu soo noqon “

Wasiirka maaliyadda ma sheegin dalalka ciidamada mushaharka siin jiray ee iminka joojiyey, balse waxa ahorey loo ogaa in dowladda Mareykanka ay ka joojisay ciidamada xoogga dalka lacag ay ku caawin jirtay, sababo lagu sheegay musuq-maasuq.

Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa ogolaaday in ciidamo mushaar la siiyo, iyaga oo su’aalo badan ka keenay, halka ay joogaan ciidamadaasi, kuwa ay yihiin, qoodada ka maqan midkiiba waa imisa iyo guud ahaan tiradooda, su’aalahaas oo aanu ka jawaabin wasiir Beyle.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com