Beledweyne (Caasimada Online) – Ku dhawaad 24 saac oo xiriir ah kadib, waxaa goordhow lasoo afjaray weerarkii xooganaa ee ay shalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Qaahira, oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo xubno ka tirsan Shabaab ay ku galeen hoteelka, halkaas oo ay deganaayeen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan.
Inta la xaqiijiyay, weerarkan waxaa ku dhintay illaa 7 ruux oo isugu jiray nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cumar Calasow, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay sida uu howlgalka u dhacay. Wuxuu sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahaayeen illaa 6 nin, kuwaas oo 4 ka mid ah ay is qarxiyeen, halka labada kalena la dilay.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ugu dambeyn gudaha u galeen hoteelka, iyagoo toogtay raggii dagaalka kula jiray dhismaha.
“Kooxda hotelka weerartay waxay ahaayeen lix dhagar-qabe. Afar ka mid ah way is qarxiyeen, labada kalana waxaa toogtay ciidamada ammaanka. Ciidamada waxay ku howlanaayeen ilaa shalay badbaadinta odayaal, saraakiil, iyo dad shacab ah oo ku jiray hotelka. Ugu dambeyn, howlgalka ayaa lasoo afjaray saqdii dhexe ee xalay. Hadda subaxan waxaan ku suganahay gudaha hotelka, halkaas oo ciidamada ay wadaan baaritaano la xiriira dhagarta kooxda Al-Shabaab iyo suurtagalnimada in ay qaraxyo ku xireen dhismaha,” ayuu yiri guddoomiyaha Beledweyne.
Dhinaca kale, nabadoon ka badbaaday weerarka ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay inuu muddo dheer dagaallamay, ugu dambeynna uu naftiisa badbaadsaday isagoo dhaawac fudud qaba.
“Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca ‘Leylo’ ah oo qarax lagu soo raray. Kadibna, rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof ayaa gudaha soo galay. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse ay jirto in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay markii ay cabbaar dagaallamayeen. Wixii qaraxa labaad ka dambeeyay, waxay u suurtagashay inay rag badan ka dilaan kooxda weerarka soo qaaday.
Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxdan ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.
Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore.