Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo si weyn loo bogaadiyay, kadib markii magaalada Garoowe lagu xiray nin watay dareeska ciidanka oo dhibaateeyay canug yar oo Yemeni ah.
Falkan, oo si weyn uga caro-geliyay bulshada Soomaaliyeed kadib muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa keenay in Puntland ay jawaab degdeg ah ka bixiso.
Muuqaalka caro-dhalinta dhaliyay ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana laga dhex arkay askari oday ah oo ul weyn ku garaacaya wiil yar oo Yemeni ah, kaas oo qaxooti ku ah dalka.
Duqa magaalada Garoowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi, oo arrintan soo farageliyay, ayaa qaabilay qoyska dhibaatadu gaartay, wuxuuna raalligelin iyo xaal-marin siiyay aabaha iyo wiilka yar ee la gaad-gaaday, isaga oo kula kulmay xafiiskiisa.
Geedi ayaa sidoo kale tilmaamay in maxkamad lasoo taagi doono ninka gaystay falkaas, isagoo xusay in uu waardiye ka ahaa suuqa magaalada Garoowe.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dulqaadan karin dhibaatada uu geystay askarigaas, taasoo fariin qaldan ka tarjumeysa dalka iyo guud ahaan ciidamada.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan waqti la qaatay Maxamed Yare iyo waalidkiis. Waxaan la wadaagnay dareenkayaga iyo sida aan uga damqanay falkii maanta uu kula kacay waardiye xarun ganacsi. Nasiib wanaag, falkaasi si degdeg ah ayey dowladda uga jawaabtay, waana la xiray, waxaana la horgeyn doonaa sharciga. Ninkaasi wuxuu xirnaa dharka ciidanka balse ma ahayn askari sharciyeysan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud Geedi.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay:
“Waxaan qorsheynaynaa in hadda kadib dadka noocaasi ah loo sameeyo dhar u gaar ah iyo habraac ay xarumaha ganacsiga kula shaqeeyaan dowladda hoose.”
Dhanka kale, Duqa Garoowe ayaa sameeyay tallaabo kale oo bulshada ay si weyn u ammaantay, taasoo ah in uu kafaala qaaday nolosha qoyska wiilka yar ee la dhibaateeyay, kuwaas oo nolol u soo raadsaday Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.
“Waxaan si buuxda u kafaalo qaadnay nolosha iyo deegaanka Maxamed Yare, anagoo garab istaagi doona oo si dhow uga war hayn doona xaaladdiisa. Dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee nala soo xiriiray, waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga falceliyeen arrintan,” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Garoowe.
Dhankiisa, Caadil Xuseen Saalixi, oo ah aabaha dhalay wiilka yar, ayaa sheegay inuu ku qancay raalligelinta la siiyay, wuxuuna tilmaamay in uu rajeynayo in xalka uu kusoo dhammaado maxkamad, maadaama wiilkiisa uu dhibbane u yahay falka dhacay.