Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo xalay ay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay xirtay warbaahinno ay Al-Shabaab ku faafin jireen wararkooda, kuwaas oo ay ku jireen kuwii ugu muhiimsanaa ee afka kooxda ku hadla.
Dowladda ayaa xalay soo saartay liiska warbaahinnada Al-Shabaab ee la xiray, kuwaas oo ka kooban ilaa 12 mareegood, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg (website) oo ay kooxda lahayd.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay ilaa 12 warbaahin oo nooca mareegaha ah, kuwaas oo ay Khawaarijtu lahaayeen, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar-mareeg ama website oo Khawaarijtu ku lahaayeen barta internet-ka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay intaba, sida lagu sheegay warka ka soo baxay dowladda.
“Xogta la helay waxay sahli doontaa in tallaabo laga qaado dembiilayaasha Khawaarijta ugu adeegayay hawlahan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray: “Inta uu socdo howlgalka baabi’inta nooc kasta oo Khawaarijtu u isticmaalaan warbaahin ahaan, waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo baro ay ka sameysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.”
Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internet-ka ee Khawaarijta ayaa sidoo kale mar dhow rajeynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee ay Khawaarijtu ku gudbiyaan falal dambiyeedka iyo marin-habaabinta, sida lagu sheegay warkan.
Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay xalay qaaday DF?
- Cabdullaahi Nuur: “Waa shaqo wacan. Fadlan ha joojinina shaqada illaa laga ciribtirayo maafiyada.”
- Liibaan: “Waxaas waa iiga muhiimsan kuwa bulshada waxyaabaha aan wanaagsaneen u soo gudbiya, beenta iyo baro-bagaandada meelaha la fadhiya.”
- Suleymaan: “Al-Kataa’ib maad la wareegtaan haddaad run sheegaysaan? Laakiin maxaa iga galay horta?”
- Maxamed Cabdicasiis Xasan: “Waa arrin bogaadin mudan, runtii waana soo dhaweynayaa arrinkaas.”
- Shuceyb Axmed Cilmi: “Naga xira balaayada, baryahaan waaba layaabaye. Shaqo wacan ayaad qabateen.”