Ku dhowaad 500 km oo ka mid ah dhulka Somalia oo dal kale uu ku darsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu soo bandhigay xog ku saabsan in dhulka Soomaaliya la qaatay ayada oo aan laga war-hayn

Ajandeha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa  warbixin ay  ka dhageysteen  guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, iyadoona  Kulanka ay hortageen Xubnaha Gudigaas, waxayna warbixin siiyeen Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxbanaan ee Xuduudaha Soomaaliya Xuseen Nuur Xaashi ayaa Golaha Shacabka warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay 4tii bil ee la soo dhaafay iyo Caqabadaha ku horgudban islamarkaana caqabad ku noqon kara qorshaha afarta bil ee soo aadan.

Sidoo kale waxay ka hadleen Arimaha Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo cadeeyay in Kenya ay dhul ballaaran gudaha Soomaaliya u soo gashay, arintaasna loo baahanyahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Guddiga Xuduudaha waxay sheegayn in Kenya ay qaateen qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo dhirirkiisu dhan yahay 476 KM, waxaa ayna shaaca ka qaadeen in taasi ay dhibaato ku tahay shacabka Soomaaliyeed, iyagoona tilmaamay in madaxda Dowladda ay la wadaageen arintaasi.

Arrintan ayaa la sheegay inaysan jirin cid ku baraarugsan marka laga reebo dadweynaha ku nool dhulkan oo marar badan ka qeyliyey arrintan balse aysan jirin cid dhageysatay qeyl-dhaantooda.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan Kenya ayaa haatan waxaa ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo dowladooda ka caawinaya inay gudaha isugu soo riixdo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com