Guddoomiye Ciro oo ka hor-yimid heshiiskii shalay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro ayaa maanta caasimada Somaliland si balaadhan loogu soo dhoweeyey kadib safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Gudoomiye Ciro ayaa si adag uga hadley heshiiskii ay shalay arrimaha doorashooyinka ay kaa gaareen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, wuxuuna sheegay in labadaas xisbi marna go’aan ka gaadhi karin masiirka Somaliland.

“Shalay labadii Xisbi ee Kulmiye Iyo Ucid waxay soo saaren wax ay heshiis ku sheegen go’aan kaasi muu aheyn, waxaynu ku macneen karnaa oo kaliya in uu ahaa shahaadadii dhimashada ee dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu sheegaynaa in aaney si naba suurto gal u noqon inay laba xisbi yidhaahdaan anaga ayaa masiirka Somaliland ka go’aan gaadheyna intay gaar u tashadaan” ayuu yiri Gudoomiye Ciro.

Wuxuuna intaas kusii daray Gudoomiyuhu “Waxaan beesha caalamka iyo shacabka Somaliland u sheegaya, siduu horeba ugu sheegay inuu diyaar u yahay doorashooyin waqtigoodi ku qabsooma, talada halkeedi ha lagu soo celiyo haddii la doonayo in doorashooyinka waqtigoodi ku qabsooman, waxa shacbiga reer Somaliland ugu baaqaya dee Xukuumadii aan dooranay wanu aragnaa, labadii xisbina waanu aragnaa, inay anbadeena waanu aragnaa, midnimadeenu waa muhiim wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha na haysta ee nagu gadaaman waxaynu kaga bixi karnaa midnimo”.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu ka hadley dad laga qaadey dhul ay xukuumada Biixi ay ka dhisaneyso Madaxtooyada cusub iyo tacadiyada Saxaafada lagula kaco, wuxuuna yiri:

“Dharaarba wax yaab leh baa igu soo dhacaya, intii aan maqnaa dhacdooyinka dhacay wey badnaayen, Laakiin waxan kasoo qaadan doona inyaro faro ku tiris ah, waxa kamida hooyoyinkii iyo umulihii lagu laayay dhulkoodi ee iyagana la xidh-xidhay, oohintooda iyo baroortooda qof walba oo reer Somaliland gudo iyo dibedba u gaadhey codkoodu, waxa kamida Saxaafadii madaxa banaaneyd oo sidii xoolaha loo xaraasayo oo jeelka laga buuxinayo, waxa ugu dambeeyay tifaftirihii bulsho iyo Cabdimaalik coldoon oo burco laga soo afduubay. Waxaad mooda dhacdooyinka is-daba socda inay midiba mid ka yaab badantahay, Waxaynu dooneynay Somaliland la ururiyo oo shacbigeeda la ururiyo oo la wada leeyahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com